Ka dib markii mucaaradka hubaysan ee Sunniga Suuriya qabsadeen gabi ahaan gobolka Idlab , Xalab iyo dhulka ku xeeran waxay usoo jihaysteen dhankaas iyo Xamaa oo ah magaalo muhiima , uuna ka bilaabanayo difaaca caasimadda Dimishiq .
Xamaa waa magaalo u leh dadka Suuriyaanka ah muhiimad gaara oo ugu suntan halka markhaatiga u ah dhiig yacab nimada nidaamka ka dhisan dalkooda.
Sanadii 1982 ayaa Xaafid Al-asad oo uu Bashaar kurisga ka dhaxlay wuxuu ku xasuuqay in ka badan 40 kun oo qof , iyadon cidi iswaydiin. Dadkaas waxay isugu jirin carruur iyo ciroole , waxaana lagu xasuuqay waa inay sameyeen kacdoon ay wateen rag Ikhwaan ahaa oo islaamiyiin ahaa.
Wixii intaas ka dameeyay magaaladu waxay ahayd mid loo maamulo qaab sidii inay tahay xero ciidan oo aad dadka loogu cadaadiyo , dadkeeduna noqdaan kuwa la nool walwal , ciil iyo caro.
Xilligii kacdoonkii aan guulaysan ee hore , Mucaaradku magaaladaan wax wayn kama qabsan Karin oo waa magaalo ciidan oo ay deganyihiin cutubyooyinka iyo saraakiisha ugu arxanka daran. Waxaa ku yaal xabsiyada ugu waawayn iyo saldhigyada ciidan ee ugu waawayn , uguna khatarsan.
Mucaaradka shalay galay magaalada xiiso gaara ayay u ahayd inay iyagoo wata taankiyo ay galaan magaaladii wax badan lagu xasuuqay , qabuureheedana ay jiifaan kumanaan ay qaraabo , walaal iyo waalid isu yihiin.
Dagaal la isku hoobtay labada dhinac ka dib, mucaaradku waxy awoodeen inay magaalada dhinacyo badan ka gaalaan, waxaana dagaalka ugu adag ka dhacay dhanka Qamxaana iyo buurta Zayna Caabidiin oo laga difaaco magaalada , halkaas oo markii lasoo jiiray si fudud loo qabtay garoonka diyaaradaha wayn ee Xamaa oo ah midka laga duqayn jiray wuqooyiga Suuriya oo dhan. Sidoo kale , waxaa dad badan laga sii daayay xabsiga way nee magaalada oo loogu tegay dad badan oo 13 sano ku jiray oo u xirnaa xilligii kacdoon guga Carabta . Dadka shalay gaaray magaalada waxaa ku jiray agoontii 1982 waalidkood iyo walalahood lagu xasuuqay oo nidaamku dhul kale xilligaas u qaxiyay.
Qabashada Xamaa waxay ka dhigantahay in darbigii difaaca ugu adkaa ee Xumas iyo Dimishiq uu jabay , ayna haatan mucaaradku u jiraan caasimadda wax aan ka badnayn 200 km . Ilaa qiyaastii 100 kun oo ciidamada mucaaradka ayaa qayb ka noqday xoraynta magaalada , waxayna u xoog sheegteen ciidanka Suuriya oo ay weheliyaan kooxa shiico ah oo kasoo gurmaday Ciraaq , Iran iyo Afghanistan. Waxaa shalay ku jabay Xamaa guutada Suhayl Xassan oo ah sarkaal dhiig yacab ah , laguna seexin jiray mucaaradka , si wayna u wareefay mucaaradka xilliyadii kacdoonka hore .
Sidoo kale , waxaa qabshada Xama kala jaraysaa gobolka Xeebta ee Calwiyiinta uu kasoo jeedo Bashaar u badan yihiin oo saldhiyada waawayn sida saldhiga wayn Xamiim ee Ruushka deganyahay , waxaana ku taal magaalada muhiimka ah ee Laathiqiya .
Saaka waxay Mucaaradku 5 km u jiraan Magaalada wayn ee Xumas , waxayna si fudud u qabsadeen Talbiisa iyo Rostan oo ah degmooyin hoos taga Xumas. Tani waxay ka dhigantahay in awoodii ciidan ee Bashaar ay burburtay.
Dhammaan dhulka ay soo qabsadeen mucraadku waxay u dhaqmayaan sidii inay yihiin badbaadiyaal, dhammaan magaalooyinka waxaa loogu soo dhawaynaa si niyad ah , iyaguna waxay muujinayaan inay yihiin niman aan aargoosi u socon.
Hogaamiyaha kooxda Mucaaradka wuxuu wax ka yar ka hor markii ciidnkiisu galayeen Xamaa sii daayay hadal uu ku sheegayo inaan wax aargoosi ah jirin. Sidoo kale , qaabka ay u maamulayaan Xalab oo ah magaalo dad kala diima ah degaan ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyay.
Dowladihii taageeri jiray Assad sida Ruushka iyo Iran ayaa u muuqda kuwa aan wax wayn tari Karin Bashaar. Ruushku wadahadalo ayuu ku baaqayaa , wuxuuna hawsha ka sugayaa Turkiga. Iran waxay u muuqataa inay Ruush la’aan iyo Xisbullah oo maqan wax wayn tari Karin Bashaar .
Ciraaq waxay u muuqataa mid aan gurmay wayn ka iman, wadadka caanka ah ee shiiciga ah ee Muqatadah Sadri wuxuu dalbaday inaan arrimaha Suuriya la gelin , loogana dameeyo dadkeeda xoriyad doonka ah. Xogo ayaa sheegaya in dowladda Ciraaq u diidantahay kooxaha Shiicada ee dalkeeda inay ku yaacaan Suuriya .
Isku soo wada duub, Suuriya waxay gashay xaalad cusub, mucaaradka Sunniga ee uu hogaaminayo hogaamiyaha mayilka adag
Ee Juuwaali oo markaan u muuqda wadaad lasoo dhaqay, wax badana kusoo galay daaha gadaashiisa wuxuu u muuqdaa coby Talibaan oo la doonayo in dalka loo dhiibo, balse walwalka dowladaha taageersan US sida Imaaraadka, Sucuudig aiyo Masar ee ay qabaan ninkaan ayaa dhici karta inay la wadaagto Israel oo uu jiro qorshe degdeg looga hortago iyadoo wadahada; lagu khasbo, Assad Meesha laga saaro, dowlad midnimo qorana la dhiso , halkaasna Jawlaani xukunka lagu dhaafiyo , waase arin aan fududayn , waxaana muuqata in Ruushka iyo Turkey wax isla ogyihiin marka la eego in Ruushku u baahanyahay taageerada Turkey ee dagaalka Ugraine . Waxaa kale oo Meesha ku jirta in Trump oo xukunka yimi aanu ka hor imaan doonin hawl ay isla wataan Turkey iyo Ruush.
0 Comments