Qaybteenii hore waxa ay inoo joogtay dagaalkii 1964, qaybta kalena waxa aynu kaga warramaynaa dagaalkii 1977 iyo ilaa burburkii dalka. inta se aynaan qaybahaa gelin aan ka horayssiinno
hordhac yar
Su'aasha koobaad waa maxaynu isku haynaa inaga iyo Ethiopian ku? Waxaan odhan karnaa Ethiopia waxa aynu isku haynaa B:juquraafiga T:diinta
1: waxa koobaad ee khilaafkeenu dhulka sidii aynu kaga warranay qaybteenii hore gumaystihii reer yurub waxa uu laba jeer oo kala duwan ku wareejiyay dhulkeenii boqortooyadii Ethiopia, marka kobaad waxa ay ahayd 1894 oo uu ku wareejiyay dhulkii Ogadenia iyo markii labaad oo ahayd 1954 oo uu ku wareejiyay dhulkii hawd reserve area waa dhulka hadda loo yaqaan isku darkiisa soomaali state.

Sida oo kale Ethiopian ka waxa uu damac muddo dheer ahi kaga jiraa xeebaha soomaalida,
boqortooyadii abisinaya waxa ay isku dayday iyada burtuqiisku taageerayo in ay qabsato xeebaha galbeed ee dalka gaar ahaa gobolka awdal degmada saylac, isku day kale oo waxaa jirtay Ethiopian ku isku dayeen in ay qabsadaan xeebaha koonfurta dalka iyaga oo ku dhowaaday cadale iyo warsheekh, muddo daa badan oo ay ku taamayeen in gaadhaan badda cas,ama badwaynta hinda iyana waa qayb ka mid ah waxa aynu isku hayno.
2: xagga diinta soomaalidu waa bulsho Muslim ah qarni ka qarni diinta islaamka ayaa saldhigatay,iyaga oo sida oo kale wadaaga dhaqanka,hiddaha iyo afka iwm.
arimahani soomaalida waxa ay dhigeen bulsho isku tolan ah, bulsho isu socota kala ganacsata, is dhex marta aan isku qaloon wax wayn oo qaybiyaana jirin.
Taasi bedelkeeda Ethiopia ku sii ba qolada talada Ethiopia wakhtiga dheer haysay (xabashi iyo tigre) waa bulsho kiristan ah, iyaga iyo qoomiyadaha kale ee dalka la deggana ma mideeyaan wax aan ahayn Ethiopianimada kabkab ah, diin ma wadaagaan,dhaqan ma wadaagaan,af ma wadaagaan, qanaco kuma wada joogaan ee dad la isku hayo oo wakhti kasta oo dawladnimad Ethiopia daciifto kala dhaqaaqi kara.
Dagaalkii 1977
Dagaalkaa waxaa sabab u aha soomaalida oo rabtay in ay soo ceshasho dhulkeedii gumaystuhu Ethiopia ku daray 1894 iyo 1954 waa dhulka hadda loo yaqaano soomaali state ee jigjiga caasimada u tahaye iyi Ethiopia oo u arkayay dhulkaa dawladdihii galbeedkii siiyeen in ay difaacdaan.
markii dagaalkii 1964 iyo jabhaddii hormuudka u ahayd Nasrullah fashilmay waxgaradkii soomaali galbeed waxa uubhindisay in la sameeyo jabhad kale oo soomaalia dhabarka ku haysa hubka zaadka iyo sahaydana ka taageerta dekado macmal ahna siisa oo ay wax kala soo degaan,

1975 ayaa maxamed siyaad ogolaaday in la sameeyo iyada oo la sameeyay jabhaddi WSLF.
WSLF waxa ay biladaw dagaal jabhadayn ah iyada oo dhulka soomaali galbeed miyi iyo tuula ba ka qabsatay ciidankii Ethiopia, taasi oo sababtay in ciidankii Ethiopian ku soo aruuraan magaaloyinkii waa waynaa oo ay dhufaysyo adag ka qoteen.
Jabhaddii waxa ay is tustay in ay ka madaxbanaanaato dawladdii soomaaliya, beryahana waxa socday in jabuuti ku dhawaaqday in ay noqonayso dawlad madaxbanaan, sirdoonkii soomaalia oo xogta WSLF helayna waxa ay la wadaageen madaxwayne maxamed siyaad,
madaxwaynuhu sidaa ayuu ku galay dagaalka ciidanka Ethiopian ku wakhtiga waxa uu ku sugnaa goday, qabridahare, dhagax buur, jigjiga iyo meelo kooban oo kale muddo yar ayaaa laga saaray dhamaan dhulkaa labada meelood ee ugu adag waxa ay ahaayeen Goday iyo jigiga buuraha kaaraamardha iyana waa la jiidhay.
Maxamed sayid cabdiraxmaan oo SSTV waraysi siiyay waxa uu ku dooday in gen.maxamed nuur galaal oo ahaa ammaan duulaha ciidanka soomaalida uu ahaa laba kaadhle (double agency) oo uu shaqaynayay midawgii soofiyeet isaga oo ciidanku markasta oo ay horumar sameeyaan dib u soo rarayay,
Midawga soofiyeetka ayaan dagaalkaa rabin isaga marka hore isku deyay in ay labada dal dhex dhexaadiyaan markii taasi socon waydayna waxa uu toos ula saftay Ethiopia.
Ethiopian ku waxa ay heleen taagerradii soofiyeetka iyada oo dagaalka soo geliyeen ciidan ka socda kubba Yementii koonfureed iyo Ruushka taasi oo u sahashay in ay jibiyaan ciidankii soomaaliya iyaga oo dib u qabsaday dhulkii hore looga qabsaday.

Burburkii ka dib
Ethiopia waxa ay bilawday sidii ay cadawgeeda ugu hubayn lahayd jabhado iyada oo jabhdii koobaad noqotay SSDF intaas ka dib na waxa ay noqdeen tusbax furtay SNM,SPM,USC iwm
Dhica kale soomaaliya iyo masar ayaa taageeri jiray jabhadihii ka soo horjeeday xukunka dhergiga jabahadaha ayaa ahaa 6 jabhadood laba rabtay in ay goosato halka afarta kale rabeen in ay waddanka qabsadaan.
labada rabay go'itaanka ayaa ahaa
EFT oo ahayd jabadii (Eritrea) iyo ONLF oo ahayd jabhaddii ogadena.
Afarta kale oo markii danbe midoobay ayaa kala ahaa jabhadii Oramada (OPDO) jabhaddii axmaarada (ANDM) jabhaddii tigreega (TPLF) iyo jabahadii shucuubta koonfureen (SEPDM) afarta jabahadood ayaa ku midoobay (EPRDF) afarta jabhadood ee magaca ku midoobay ayaa taladii la wareegay iyaga oo sheegay in dalku qaatay nidaamka faderaalka ah labadii jabhadood ee kale tii Eritrea ayaa ku gacan saydhay, halka jabhaddii soomaalida ONLF AMA WSLF ku kala qaybsantay iyaga oo badi qayb ka noqdayy nidaamka fadaraalka ee Ethiopia.

Jabhadihii soomaalida
Jabhadihii soomaalida ayaa iyagu aan waxba ku midoobin, SSDF oo ahayd tii ugu horaysay ayaa iyadu xili hore ba soo xarootay, SNM ayaa ku dhawaaqday go'itaan, halka USC na xukunka ku dagaalantay,dalkiinsa waa burburay.
La socda qaybta ugu danbaysa ee colaadda Ethiopianka iyo soomaalida.
0 Comments