masar iyo Ethiopia oo oo soomaaliya ku loolamaya.



Waxaa maanta magaalada jigjiga ee caasimadda deegaanka soomaali state soo gaadhay taliyaha guud ee ciidanka militaryga Ethiopia gen. Burhana jula iyada oo Airport magaalada jigjiga ee garaad wiil waal uu ku soodhoweeyay madaxwaynaha deegaanka soomaalida mustafe maxamed cumar (cagjar) iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan madaxda deegaanka.

Ethiopia ayaa la sheegayaa in ay taliskii aaga bari ee dalka u Ethiopia oo hore u ahaa herer u soo rartay magaalada Goday  ee xarunta gobolka shabeelle, iyada oo ciidan badana ku soo daabushay xadka labada dal gaar ahaan gobolka hiiraan iyada oo ciidanka u badan gaysay aagga feer-feer. 

Ethiopia waxa ay hore u joogtay gobolada Gedo,bay,babool, hiiraan iyo qaar kale.

 ciidanka Ethiopia ka joogay goboladaa ayaa u qaybsanaa laba qaybood, qaar  ka tirsan ciidan nabad ilaalin ee midawga afrika ee hore loo odhan jiray Amisom, haddana loo bixiyay  Atmis, iyo qayb ka ka madax banaan.

Masar ayaa iyadu soomaaliya la soo gashay heshiis is afgarad oo ku saabsan in ay qayb ka noqoto ciidanka Atmis, iyada oo la sheegay in ay soomaaliya ku heshiiyeen 10k oo ciidan ah in ay soomaaliya u soo dirto, iyada oo la aaminsan yahay in 5k noqon doonaan Atmis halka 5k ee kale noqonayaan ciidan dheeri ah oo danaha masar u jooga soomaalia.

Masar iyo Ethiopia oo hore isugu hayay biyaha webiga niilka oo Ethiopia ku samaysay xidhitaan iyada oo wada qaybtii 5aad ee biyo xidheenkq, ayaa la aaminsan yahay in hadda loolan ka  xooggiisu u soo wareegay biyaha badda cas, ka dib heshiis kii madaxwaynaha Soomaaliland muuse biixi iyo ra'iisal wasaarah Ethiopia abiy axmed kala saxeexdeen, is afgaradkaa oo ku saabsan in Ethiopia hesho meel ay ka gasho badda cas, iyada oo soomaalia iyo jabuuti arrinkaa ka galeen dagaal diblumaasiyadeed.

Gabagabada

Ethiopia ayaa aaminsan masar oo soomaalia soo cagadhigataa in ay khatar ku tahay amnigeeda qaranka,
halka masar ay guul u aragto in soomaaliya ka hesho base ay kula loolanto Ethiopia,soomaaliya ayaa ah cidda khatar ugu badan ku dhacayso iyada oo ah halka lagu loolamayo.

0 Comments