Madaxwaynaha jamhuuriyadda fadaraalka soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa xilka ka qaaday ergaygiisii arimaha caafimaadka cabdirashiid maxamed nuur jilley, xilka qaadista ayaa sidan u qornayd.
"Muqdisho, Sebtember 1, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada"
Inkasta oo aan la caddayn sababta xilka qaadista haddana waxaa la tuhunsan yahay in sababtu tahay xildhibaada iyo madax dhawr ah oo reer koonfurgalbeed ah oo taageeray itoobiya iyaga oo ka soo horjeestay dawladda masar.
Qoraalka xilka qaadista ayaa sida oo kale lagu yidhi.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed"
0 Comments