Isgaadhsiinta xisbulaah oo la qarxiyay iyo khasaare ka dhashay.
Kooxda xisbullaah ee ka dhisan dalka lubnaan ayaa la qarxiyay qalabkooda isgaadhsiinta ee ay ku wada xidhiidhaan hawlwadeenada kooxdu.
Tobanaan dhawaac ayaa jira oo ka dhashay qaraxaa,
Gurmadka degdega ah
Ambulance ka tirsan laan qayrta cas oo ka qayb qaadanaya daad guraynta dadka.
Laan qayrta cas ayaa sheegtay in ka badan 30 ambulance in ka ay ka qayb qaadanayaan daad guraynta iyo dawaynta dhaawacyada ka dhashay qaraxa maanta ee koonfurta lubnaan, iyo caasimadda bayruut,dhaawacyo kale ayaa la sheegay in loo daad gureeyay hospital ku yaalla koonfurta lubnaan.
Dadka dhaawacmay
In ka badan 1,200 qof ayaa ku dhaawacmay inta la xaqiiyjiyay, dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah safiirkii iiraan ee dalka lubnaan mojtba amani. Taasi laga fahmi karo in madax xisbullaah ka tirsana ay ku jiraan.
Waxa la qarxiyay
Nidaamka la qarxiyay ayaa ah nadaamka loo yaqaano Pager'ka oo ah nidaam duug ah la sanceeyay 1950 iyaga oo aad loo isticmaali jiray 1960 ilaa 1990 waxaa aad u yareeyay isticmaalkiisa khadadka iyo aaladahan xawaarohoodu dheereeyo, xisbullaah ayaa ammaan biday nadaamka pager ka oo imika sabab u noqday in dhaawac wayni soo gaadho.
Bayaanka wasaaradda caafimaadka
Wasaaradda caafimaadka lubnaan waxa ay ka codsanaysaa shaqaalaha caafimaadka in ay feejignaan sare muujiyaan.
Xarunta caafimaadka ee gurmadka dadwaynaha ayaa soo saartay bayaan degdeg ah oo ay ku sheegtay in "in dad aad u tiro badan oo dhaawacyo kala duwan qabaa ay soo gaadhayaan hospitalada lubnaan" iyaga oo sheegay in dhaawacyadu la xidhiidhaan qarax ka dhashay qalabka lagu xidhiidho.
Wasaaradda caafimaadka lubnaan ayaa shaqaalaha caafimaadka ku boorrisay dhamaan gobolada in ay heegan sare galaan si ay u daboolaan baahida caafimaad ee jirta.
bayaanka ayaa sida oo kale lagu yidhi "Wasaaraddu waxay ka codsanaysaa dhammaan muwaadiniinta leh aaladaha isgaadhsiinta werless ay ka fogaadaan qalabka lagu xidhiidho ilaa inta laga helayo xaqiiqada waxa dhacaya,
Gabagabada.
Israa'iil weli kama hadal khasaaraha intaa le eg ee ay u gaysatay xisbullaah iyada oo la sheegay in saraakiisha lagu amray in ayna ka hadal
Sida oo kale xisbullaah weli kama hadal lamina oga inta uu le eg yahay qasaaraha uu gaystay qaraxu iyo inta ay le eg tahay madaxda ku jirta dadka ku waxyeelloobay qaraxa.
0 Comments