Fahad iyo farmaajo oo kala dhaqaaqay.

 


Agaasimihii hore ee ha'yada sirdoonka qaranka ee NISA, fahad yaasiin xaaji daahir  ayaa sheegay in ay kala tageen wada shaqayntoodiina soo gabagabawday madaxwaynihii sagaalaad ee jamhuuriyadda fadaraalka soomaaliya, mudane maxamed cabdilaahi farmaajo.

Fahad  oo  bartiisa X ee loo aqoon jirat twitter ku soo daabacay maqaal ayaa ku sheegay sheegay in ay muddo 10 sano ah saaxiib ahaayeen madaxwayne farmaajo,muddo 5 sano ah uu ka mid dadkii la soo shaqeeyay madaxwaynaha isaga oo sheegay in uu dadkiisa ugu  adeegay xilal kala duwan.
Fahad ayaa sheegay in aanubfaahfaahim ka bixinayn sababta kala taga iyo madaxwaynaha isaga oo ilaalinaya dhaqanka suuban iyo wada shaqayntoodii hore.

Fahad ayaa soo jeediyay shan qodob oo kala ah.

"1:laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay1semtembar 2024 waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii aniga iyo madaxwaynihii hore mudane  maxamed cabdilaahi farmaajo,waxaana cid walba u cadaynayaa in aana qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho
2: waxaa aan la yeelan doonaa dhamaan saaxiibada aan talo wadaaga nahay  kulamo iyo wadatashi loo arrinsanayo ambaqaadka cusub waana idin la soo wadaagi doonaa xiliga ku habboon.
3:waxaan si mug iyo maqaamsare leh ugu  mahadnaqayaa madaxwayne maxamed cabdilaahi farmaajo mas'uuliyaddii uu ii igmaday iyo  kalsoonidii uu isiiyay muddadii uu madaxwaynaha ahaa.
4 waxaan raali gelin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsatay go'aankan,ama lama filaan ay ku noqoto,waxaan ugu qalbi qaboojinayaa  in tallaabadi ay tahay mid danguud ah kana dheer dan shakhsi."

Gabagada:

fahad iyo farmaajo ayaan cidna ogayn waxa ay ku kala tageen iyada oo la filayo in ay dhawdahay wakhtigii ololaha doorashada jamhuuriyadda fadaraalka soomaaliya.

Halkan ka akhriso bayaanka.





0 Comments