Hordhac
Adduunka colaadda iyo nabaddu waa hadhkaa labadiisa gelin, waa habeenka iyo dharaarta, mar kale na waa dayaxa iyo cadceedda sida ay kuwaasi isu bedelaan ayay colaaduhu isu bedelaan. Colaad waxay ka dhex dhacdaa dawladdo deris ah, qoomiyaddo, afkaar lagu kala duwanaaday ama masaaliix kale oo intaa aan midna ahayn, Dunida colaadaha ugu muddada dheer uguna khasaaraha badan waxaa ka mid ah midda israa'iil iyo carabta, Middii jabbaan iyo maraykan ka,midda paskistaan iyo hindiya,middii tuutsi iyo hutuu (Rwanda) middii maraykan iyo Vietnam ta Eritrea iyo Ethiopia, midda labada suudaan iwm.
colaadaha iyo kuwa la mid ka ah ayay la ayni tahay midda qarniyo soo dhex marayasay soomaalida iyo Ethiopiaka.
1: colaadda Ethiopian ka iyo soomaalidu waxa ay ka soo bilaabatay inta la og yahay taariikhda 1,500 ee miilaadiga inta qoran ee la og yahay, boqortooyaddii Adal waxa ay ahayd boqortooyo ka dhisan deegaanka galbeed ee soomaalida gaar ahaan gobolka awdal iyo galbeedkiisa, waxaa magaalada laga xukumaa ahayd saylac.
Sanadkii 1,517 waxaa dagaal dhexmarey boqortooyadii xabashida iyo boqortooyadii Adal, gaar ahaan amiirkii Harar oo la odhan jirey Amiir Maxfuud.
Dagaalka si waxa uu ahaa dagaal khasaare wayn gaystay labada dhinac ba intaa ka dib waxaa bilawday loollan ka dhex socday boqortooyadii, iyada oo la sheego in wakhtigaa Boqortooyadu jilicday musuqu baahay, talada la isku qabsaday,is qabqabsigu batay taladuna qalloocantay.
Sanadkii 1527 waxaa soo if baxay kacdoon uu hoggaaminayay imaam axmed guray, kocdoonkaasi waa uu guulaystay taladiina waxaa la wareegay imaam axmed guray isaga oo dejiyay siyaasad awood leh, kala danbayn caddaalad, isla markaana suuliyay kala aragti duwanaantii,kursi isku haysashadii iyo guud ahaa khilaafkii boqortooyada.
Imaamku waxa uu dhisay ciidan xoog badan oo ka kooban qabaa'ilkii soomaalida iyo dadkii kale muslimka ahaa ee deegaanka la wadaagay ciidanka ayaa u badnaa soomaalida iyada oo buugga futuux alxabasha oo ah buugga ugunfac wayn ee taariikhda axmed guray laga qoray, uu sheegayo qaybo ka mid ah qabaa'ilka soomaaliyeed imaamka dagaalka ugu hiiliyay.
Intii u dhaxaysay 1529 ilaa 1533 ayay dhex mareen dagaalada ugu badan boqortooyadii adal ee imaamka iyo boqortooyadii Xabashida wakhtigaa waxaa Ethiopian ka u talinayay boqorkii la odhan jiray lebna dengel isaga oo la doortay 1508 taladana hayay ilaa 1540 wakhtigaa inta badan waxa uu ku qaatay dagaal qax iyo colaado aan kala joogsi lahayn oo uu kala kulmayay ciidankii imaam ka ee soomaalida u badnaa, dhinaca kale waxa waayahaa soomaalidii iimaamka la socotay u suuregashay in ciidankii imaam ka ay gaadhaan dhulka shawe oo ah badhtamaha Ethiopia, waxaa la sheegaa in ay qabsadeen dhulka Ethiopian ka in ka badan kala badh, iyada oo ciidanka soomaalidu ay tageen duleedka addis-abab.
Markii uu geeriyooday waxaa talada Ethiopia la waeegay inan kiisii oo la odhan jiray Galawdewos isaga oo heshiis difaac la galay dawladdii burtaqiiska oo ka mid ahayd gumaystayaashii.
Burtaqiisku isaga oo heshiiskaa fulinaya waxaa uu sanadkii 1541 soo direy ciidan hubeysan oo gaaraya ilaa 400 oo askari oo ku hubeysan hub kii wakhtigaa ugu casrisanaa, waxayna kasoo degeen dekedda Musawac ee dalka Eritrea.
Ciidamada burtiqiiska waxaa hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Christopher Da Gama, waxa ay si toosa ula kulmeen sanadkii 1542 goobta la dhoho jarte, shirkaa wax natiijo ah kama soo bixin iyada oo game ciidaniisa u habewyay oo uu ku kiciyay ciidan imaamka ee ka soo horjeeday.
Taariikhda axmed guray uma aynu socone imaamka waxaa bedelay, Nuur ibnu Mujaahid oo ahaa dhaxal suge, Intii u dhaxaysay 1554 ilaa 1555 ayuu Nuur ibnu Mujaahid dagaal ku qaaday bariga Itoobiya, sannadkii 1559 kii, wuxuu dagaal kubqaaday goobta laguagacaabo Fatagar, isaga oo duulaan adag oo goobtaa kula galay, wuxuuna halkaa ku qudhgooyay Galawdewos oo ahaa boqorkii xabashida.
Wakhtigii gumaystaha
Iyada oo colaadaasi ina dhex taal ayaa waxaa yimi gumaystihii reer yurub 1884 wakhtigaa soomaalida uma dhisnayn wax dawlad ah ee waxa ay ahaayeen qabaa'il is garab deggan oo uu talada u gooyo qabiil walba boqor,suldaan,garaad,wabar imaam, iwm
Taasi bedelkeeda Ethiopia waxaa u dhisnaa dawlad boqortooyo ah oo addiis-abab xarun u tahay, soomaalida waxaa qaybsaday sadexdii gumayste waa ingiriis,faransiis,iyo talyaaniye,
Tariikhdu markay ahayd 1894 ayaa heshiis ka loo yaqaan "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska Britaintan ta wayn , Talyaaniga Italy,iyo Itoobiya Ethiopia, kaas oo ku saabsanaa dhulka Soomaalidu leedahay sidii loo qaybsan laha. Dawladda Italian waxaa lagu wareejiyay dhulka eegaya ee ku ogog leh bad waynta Hindiya, oo waagii dambe loo bixiyey magaca Italian Somaliland. Halka ingiriis la siiyay waqooyi iyo hawd reserved area.
Heshiis kaasu wuxuu aqoonsaday in boqorkii Ethiopia Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka soomaaliyeed ee loo yaqaan Ogadenia.
Mar kale 1955 Ingiriiska ayaa gobolka loo yaqaan Reserved Area iyo Hawd ku wareejisey Itoobiya.
Xorriyaddii iyo dawladnimadii
Haddii aynu qaybta koobaad ee gumaystihii iyo ka hor intaa kaga baxno,iyada oo intaa oo hurgumo iyo hagardaamo ina dhex taal ayaa 1960 xoriyadda la qaatay oo ay xoroobeen labadii gobol ee mid ingiriis haystay midna talyaani haystay (British Soomaaliland) iyo (Italian Soomaaliland)
Ethiopia xorriyada ma rabin oo waxay ay ku doodayeen soomaalidu waa dad xoola dhaqato ah oo ka tirsan boqortooyada Ethiopia.
Soomaalida oo qabta in la xoreeyo goboladii maqnaa ee Ethiopia iyo kenya kala haysteen iyo qabkaa ku jiray Ethiopian ka oo aanay soomaalida dawlad la rabin ayaa markii ba la isla jiidhay iyada oo dagaalkii koobaad ba dhacay 1964 oo soomaalidu afar sano uun xor tahay.
Madaxda soomaalia wakhtigaa waxaa laga soo weriyay hadaladoodii. “si loo xorreeyo gobollada Soomaaliyeed ee maqan, waa in aan saxiixno go’aan ka geerideena” Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. AHU. “Gacan dagaalkaan ku wadaynaa tan kalena waa ku dagaalamaynaa” AUN Raysulwasaare C/rashiid Cali Sharma’arke 1964."
Qaybta labaad la socda...
0 Comments