Barkhad jaamac batuun oo afar qodob la tolay.



Waxaa maalinimadii shalay dagaal ku dhex maray golaha wakiilada ee Soomaaliland xildhibaan barkhad jaamac  batuun iyo xildhilbiaan jamaal jaah.
Gacan ka hadalka oo ka dhashay dood u dhaxaysay xildhibaanada golaha wakiiladda ee  Soomaaliland oo ka doodayay xadhiga xildhibaan maxamed abiib  ayaa dhex maray barkhad jaamac batuun iyo jamaal jaah.

Xildhibaan Maxamed abiib ayaa isagu xidhan isaga oo ay maanta u tahay maalintii sadexaad xadhigiisa, xildhibaanka ayaa laga xidhay Airport magaalada hargaysa ee cigaal International, isaga oo ka yimi magaalada dubai ee dalka isutagga imaaraatka carabta, oo uu maalmo ku maqnaa,
xildhibaan abiib lama gayn weli maxkamad iyada oo dastuurka Soomaaliland qabo in ugu danbayn 48saacadood lagu geeyo maxkamada maxbuuska, dhinaca kale dastuurka Soomaaliland ayaa qoraya in aan la xidhi karin xildhibaanka oo uu xasaanad leeyahay, haddii aanu markaa denbi gacanta kula jirin.

Barkhad oo markii ba dhakhtarka loola cararay ayuu sheegay in afar qodob la tolay xildhibaan cagawayne oo ka warbixiyay dhaawacii soo gaadhay, isaga intaa ku daray in arrinka labada xildhibaan ay u taallo isbahaysiga mucaaradka ee Soomaaliland, waddani iyo kaah.

0 Comments