Yuu u dhexeeyaa loolanka gobolka bariga dhexe?

 Yuu u dhexeeyaa loolanka gobolka bariga dhexe?

Loolanka bariga dhexe yuu u dhexeeyaa
Muddo dheer waxaa gobolka ka taagan loolan u dhexeeya bulshooyinka gobolka hirdankaas oo saamayn ku leh adduunka intiisa kale
Si guud loolanka gobolku waxa uu u dhexeeyaa baa la odhan karaa shanta bulsho ee gobolka wada deggan

 waa carab,faarisiyiin,turki,kurdi iyo israa'iiliyiin qola walbana waxa ay rabtaa in damaceedu gobolka ka hirgalo iyo in ay hesho dawlad ay ku midaysan tahay.

Israa'iiliyiint

Israa'iiliyiinta oo ah qolada ugu tirada yar waxa ay heshay taageerada iyo garab istaaga reer galbeedka waxaa la odhan karaa taageeradii reer galbeedka sidii ugu wacnayd ayay uga faa'iidaysteen iyaguna waxa ay iska dhiseen dhinac kasta dhaqaale awood,sirdoon iyo diblumaasiyad.

Carabta

Carabta oo ah qolada ay israa'iil loolanka ugu badan kala dhexeeyo tira ahaana ah qolada gobolka ugu  badan waxaa ku dhacay burbur aan xad lahayn, waa la kala qaybiyay oo la qoqobay, waa la googooyay oo dawlado yar yar loo sameeyay
Burburka iyo halaaga ku dhacay carabta waxaa ka faa'iidaystay israa'iil waxa ay ka dhigtay mid ay qabsatay iyo mid ay awoodeeda hoos keentay.

Turkidu

Turkida waa u hirgashay in ay dhisaan dawlad ay ku midaysan yihiin dhib wayna kama soo gaadhin dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba waa roon yihiin lkn gobolka carab kulama loolami karaan.


Furus

Faarisiyiintu iyagana waa dawlad ay qoomiyad ahaan ku midaysan yihiin waa niman dadaal badan sameeyay waxaa se saamayn wayn ku leh dagaalka reer galbeedka iyo israa'iil  oo ay noqdeen qolada keliya ee hadda loolan muuqda kula jirta israa'iil

Kurdida

Kurdida iyaga gumaystihii ayaa qayb qaybiyay waxa ay noqdeen qolada ugu nasiibdaran qolyaha gobolka deggan cidkasta oo kale wax uun baa cayntay lkn iyaga waxba uma cayman

Gabagab:   Waxaa is waydiin leh  xagee ka socda dagaalka xad dhaafka ah ee israa'iil iyo reer galbeed ku hayaan iiraan waxa ugu wayn ee israa'iil ula dagaalsan tahay iiraan waa in israa'iil u aragto carab oo ay intoodii badnayd ka adkaatay in iiraan ku hubaynayso kooxaha iiraan taageerto ee ay
ka midyihiin xisbullaah,xuutiyiinta,xamaas iwm israa'iil waxa ay u aragtaa niman caraba oo iyada lagu hubaynayo ee uma aragto shiico iyo suni iyo waxaas dadka qaar akhriyaan.

0 Comments