Magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag ayaa qasnayd maalmihii u danbeeyay
Shaqaaqada ayaa ka bilaabatay ciidanka police ka Soomaaliland oo habeen hore dilay salmaan cabdi aadan madoobe oo ahaa nin dhallinyar ah oo ka tirsanaa dhallinyarta magaalada ceerigaabo isaga sida oo kalena la sheegay in uu ahaa raggiinka soo dagaalamay laascaanood,
Deegaanka koonfurta gobolka sanaag beesha deggan dhallinyaro ka tirsan oo dil kaa ka jawaabaya ayaa tuulada goof ku laayay rag odayaal ah oo shan ah, ragga halkaa lagu dilay ayaa kala ahaa
1:haybe jaamac tuke
2: caydikd faarax xaaji
3:xasan dafac
4: shire cabdi dheere
5:geelle cage dawan.
Subaxnimadii shalayna waxaa isla magaalada lagu dilay nin ganacsade ah oo ka soo jeeda beesha koonfurta gobolka sanaag (naaleeye axmed) oo lagu magacaabo cumar sanjacoor
Waxaa baaq nabadeed soo saaray beesha garxajis guddigooda guud oo suldaan cadde gude hoggaaminayo, Iyo suldaan siciid suldaan cabdisalaan oo ah suldaanka beesha warsangeli.
Intaas ka dib waxaa waan waan bilaabay beesha warsangeli iyo beesha habarjeclo oo u kala dabqaaday laba qoys ee shaqaaqadu dhex martay waa naaleeye Ahmed iyo muuse ismaaciile.
Waan waantii meel fiican ayay maraysaa waxaana naaleeye axmed xidhe u noqday warsangeli halka muuse ismaaciil na ay xidhe u noqotay beesha habarjeclo.
Waxaa intaa dhinac socda shirar doceedyo u dhexeeya beelaha iyada mid walba la soo shirayso deegaamadeeda kale, waxaa jira shir u socda waxgaradka iyo guddiga garxajis oo ceerigaabo ka socda iyo shir u socda dhaqanka garaada dhulbahante iyo beesha naaleeye axmed oo laascaanood ka socda.
Intaa waxaa weheliya diyaar garawga labada dhinac oo si xooggan u socda iyada oo qola walba wixii ay helikartay diyaarsnayso.
Sanaag oo ah gobol xaasaasi ayaa la filaya colaad ka dhalataa in ay cawaaqib xumo badan keenayso taasi oo marna noqo karta colaad qabiil marna noqon karta colaad siyaasadeed, sidaasi darteed ayay waayeelka labada dhinac ba dareensan yihiin khatarta ka dhalankarta haddii aan hadda laga hortegin.
0 Comments