Xanuunka MPOX





Adduunkii waxaa soo wajahay halis caafimaad iyada dhawaan   dilaacay xanuunka soomaalidu u taqaano furuq, kaas oo hadda loo bixiyay luuqada caafimaadka (MONKEYPOX)


Halkee ka dilaacay?

MPOX ayaa ka dilaacay dalka congo🇨🇩 isaga oo ilaa hadda la diwaangeliyay wax ka badan  14,000 kiis oo  ku dhacay xanuunku, isaga oo dilay inta la xaqiijiyay dad ka badan 524 qof halka 85% ay tahay caruur ka yar 15 jir.

Xanuunka oo markii hore laga helay DRC ayaa ku faafay dalalka kenya,ruwanda,Burundi,ugandha,iyo dalal kale iyada oo la sheegayo in uu u gudbay  yurub isla markaana  kiiskii u horreeyay laga diiwaan geliyay dalka Sweden.
  


Muxuu ku faafaa?

Xanuunkan ayaa sida la sheegay in uu ku faafayo taabashada,dhunkashada,galmada  iyo dhammaan xidhiidhada bini'aadamka dhex mara.

  Ka hortag

tallaalka ayaa u noqon kara ka hortag wanaagsan.

Astaahee lagu gartaa?

Astaamaha lagu garto  finan badan,madax xanuun,qandho,tamar darro, iyo qanjidhada oo barara.



Goorta uu soo muuqdo

Astaamihiisa ayaa la arki karaa 1-21maalmood ee u horreeya iyada 2-4 todobaad lagu arki karo astaamihiisa, calaamadihiisa ayaa dadka qaar finanku ka muuqdaan halka qaar kale na astaamo kale lagu arko.

0 Comments