Madaxwaynihii hore ee soomaaliya mudane shariif sh axmed oo ka dayriyay hubka sharci darrada ah ee gacmaha shacabka galay.
Sh shariif oo warbaahinta kaartalk waraysi ku siiyay dhulka miyiga ah ee deegaanada Hirshabeele oo uu nabadayn u joogo, ayaa sheegay in ay khatar amni tahay hubka sharci darrada ah ee gacmaha shacabka galay, shariif ayaa si gooni ah uga dayriyay qoriga shaamashuutarka iyo baastooladda aan shanqadha la hayn ee loo isticmaalo dilalka qorshaysan.
Shariif oo weriyuhu waydiiyay in ay saamayn ku yeelan karto arrintii cunaqabadaynta hubka ayaa yidhi "dabcan haa tilaabadii koobaad oo aan ku fashilanay weeye, hubku waa masuuliyad haddii aad mas'uuliyaddii ku fashilanto ugu yaraan su'aalo ayaa ka imaanaya"
Madaxwayne shariif oo waraysi dheer bixiyay ayaa dhinaca kale ka hadlay dagaalka lagula jiro Alshabaab isaga oo sheegay in istiraatiijiyadda iyo hoggaanka midna aan la saxin shariif ayaa sheegay in dagaalka ay ku jiraan shakhsiyaad iyada oo loo baahnaa in qaranka oo dhan galo, fashilka ayuu madaxwaynuhu ku sheegay "maqnaan istiraatiijiyad qaran,waxaa uu sheegay in loo baahan wasaarada caaafimaadka wasaarada maaliyada ciidanka in saboodgareeyo wax yaabahaa soo dhan meesha waa ak maqnaayeen"
Gabagabo:
shariif ayaa aad u dhaleeceeyay dawlada xasan sh iyo dagaalka ay As kula jirto qaabka uu u socdo iyo hubka sharcidarrada ah.
0 Comments