Hoggaamiyaha maamulka ssc-khaatumo cabdiqaadir axmed aw cali (firdhiye) ayaa magacaabay guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenkiisa,
Hoggaamiye firdhiye ayaa u magacaabay mudane cumar xaaji cabdi akabe guddoomiyaha gobolka cayn, halka uu ku xigeenkiisana u magacaabay khadar axmed cumar.
Gobolka cayn ayaa muhiim u ah marka la joogo ssc-khaatumo, magaalo madaxda gobolka oo ah degmada buuhoodle ayaa ku taalla xuduudka beenaadka soomaalia iyo Ethiopia, oo hadda ay ka aloosan tahay xiisad u dhaxaysa labada dal, xiisadda ayaa la xidhiidh khaliifka is afgaradkii ay bishii January kala saxeexdeen ra'iisalwasaarah itoobiy Abiy axmed iyo madaxwaynaha Soomaaliland muuse biixi cabdi.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dawlladda masar goobaha ay doonayso in ay saldhigato ay ka mid tahay degmada buuhoodle,
Masar oo khilaaf wayn u dhexeeyo iyada itoobiya oo iskuhaya biyaha niilka ayaa la filayaa in ay ciidan lagu qiyaasayo ilaa 10k oo askari kaga qayb qaadato ciidanka bedelaya Atmis oo bisha disember ay ku eg tahay muddada mandatekokdu,
Ethiopia ayaa aad uga hor timi ciidanka masar iyada oo marar kala duwan sheegtay walaaca ay ka qabto ciidanka masar ee oo hawlgalka qayb ka noqda.
0 Comments