Madaxwayne ku xigeenka dalka maraykan kamaala heeras ayaa lagu wadaa in lagaga dhawaaqo musharaxnimadeeda shirkaasi.
Kamaala heeras oo la qorsheeyay in ay shirkaa maanta ka jeediso khudbad ayaa la filayaa in ay aqbalo doonto musharaxnimada madaxwayne ee dalka maraykanka iyada oo u sharaxan xisbiga dimuqraadiga, halka xisbiga jamhuuriga uu u sharaxan yahay trump.
Kamaala ayaa sida oo kale la filayaa in ay ka hadasho taariikhdeeda nololeedkeeda, barbaarinteeda,iyo halkii ay ka soo gashay hoggaanka xisbiga dumuqraadiga iyo guud ahaa hoggaaminta dalka maraykan.
Heeris madaxwayne kuxigeenka maraykan ahna musharaxa xisbiga dumuqraadiga ayaa sida oo kale la filayaa in ay ka hadasho xeer ilaaliyenimadeeda iyada xisbiga dumuqraadigu bulshada u sawirayo mawduuc la isku barbar dhigayo xeer ilaaliye (kamaal herris) iyo dambiile oo (trump) loola jeedo.
Trump hore dacwado kala duwan loogu soo oogay.
0 Comments