Khaatumo iyo maakhir


Soomaalidu waa qoomiyad balaadhan oo dhul wayne ku fidsan waddamada geeska Afrika deggan

Wixii ka horeeyay gumaystihii reer yurub waxa ay ahayd qabaa'il xoolo dhaqato ah oo aan dawlad shaqo ku lahayn reerkana ay u taliyaan isimo magacyo kala duwan leh sida wabar,ugaas,suldaan,garaad,islaam, boqor iyo qaar kale oo la mid ah.

Casrigii Gumaystihii

Soomaalidii sidaa ahayd waa uu qayb qabiyay dawlado kala duwan ayuu u sameeyay halkii isimka laga amar qaadan jirayna waxa uu soo kordhiyay cuqaal iyo dawlad in laga amar qaato dalkii fidsanaana waxa uu ka dhigay shan dawladood.

Wakhtigii xorriyadda

Muddo ka dib soomaalidu waa xorawday qaybo ka mid ahi, qolyihii xoroobay oo ahaa waqooyi iyo koofur waa isku biireen muddo rayid la ahaa ka dib afgembigii baa dhacay oo kacaankii October baa dhashay isna muddo uu atooreeyay ka dib ugu danbayn 1991 ayay burburtay dawladdii soomaaliya.

 

halka aan u socdaa waa halkane  jabhaddii SNM oo ka mid ahayd jabhadihii dawladda riday waxa ay burco kaga dhawaaqday in ay goosatay "Soomaaliland" oo ay ula jeedaan intii ingiriisku gumaystay,
Lkn waxa go'itaanka rabay ee ku dhawaaqay waxa ay ahayd jabhaddii SNM iyo beeshii ay metelaysay,

Qolyihii ku jiray xuduudkii ingiriis qaybna aan ka ahayn go'itaanka  oo u arkay in la sheegtay  waa ayaa ku baryay.

Dhismihii Puntlan

Taariikhdu markii ay ahayd 1998 ayaa waxgaradkii deegaanada puntlland oo ay ku jiraan qolyahii  waqooyi bari waxay ku dhawaaqeen maamul ay ka mid yihiin sool sanaag iyo degmada buuhoodle,
Dhismaha maamulka pL ka dib waxaa muran galay deegaanada waqooyi bari  waa KHAATUMO IYO MAAKHIRE murankaasi waxa uu dhaxal siiyay in loo aqoonsado dhul lagu muransanyahay (dispute aeria) oo ka caaggan horumarka deeqaha caalimiga ah, iyo ha'yada samafalka.
  Wakhti dheer oo deegaankaasu muran ku jiray ka dib waxaa 2023 laga saaray deegaanka badankii SL waxaa lagaga dhawaaqay maamul cusub oo loo bixiyay SSC-KHAATUMO maamulkaas ayaa ka shaqeeya sool,buuhoodle iyo qayb ka mid ah sanaag qaybta soo hadhay oo gobol waynaha sanaag ka tirsan ayaa loo yaqaanaa maakhir kaas oo isna hadda ay u socdaa shirar iyo wadatashiyo lagu dhisayo maamul.





Gabagabada:

waxaa is waydiintu tahay khaatumo iyo maakhir ma isku biiri karaan sidii ximin iyo xeeb iyo galmudug oo ma noqon karaan maamul ka dhisma waqooyi bari oo
Midnimo aaminsan kana hor taga Soomaaliland kana hortaga SL oo go'itaan aaminsan.


0 Comments