Is afgaradkii itoobiya iyo SL (mou)





Sannadkii hore ee 3/12/2023 waxaa addiis ababa tegay ugaaska beesha gobolka awadal ugaas cabdirashiid ugaas rooble,xildhibaanada gobolka ku metela dawaldda fadaraalka soomaalia, awadal state muvement iyo waxgarad kale oo reer awadal ah.



waxaa la isku afgartay oo itoobiya waxgaradka reer awadal isku afgarteen in xeebta gobolka awdal qayb laga siiyo dawladda itoobiya iyo in dekad saylac laga dhiso iyada oo itoobiyana  deked u noqonaysa reer awadala il-dhaqaale iyo horumar u noqonaysa laga dhiso.

Itoobiya iyada oo dareensan in awdal ay SL ka taliso wax aan Soomaaliland ogolayn ay adag tahay in laga hirgeliyo ayay madaxwaynaha SL muuse biixu cabdi ugu yeedhay addiis ababa 1/1/2024 is afgarad (mou)ayaa halkaa lagu soo kala saxeexday muuse biixi iyo abiy axmed, is afgaradkaa waxaa  ugu muhiimsanaa  in itoobiya la siiyo meel ay ka soo gaadho biyaha badda cas, saldhig milatari iyo dhul cabbirkiisu yahay 20km, hal   Soomaaliland lagala shaqaynayo aqoonsi caalami iyo  share laga siiyo diyaaradda itoobiyaan airlines.

Heshiiskaa waxaa xoog uga cadhooday dawladda fadaraalka ee soomaaliya oo u aragtay in madaxbannaanideedii lagu soo xadgudbay taas oo dagaal diblumaasiyadeed ka gashay,
iyo dawladda  jabuuti oo u aragtay in ileheedii dhaqaale la curyaaminayo, iyada oo sida oo kale go'doon jabuuti lagu gelinayo heshiiska.

Itoobiya culasyadaa dareemaysa ayaa codsatay wada hadalo kii koobaad oo aan toos ahayn ka dhacay Nairobi kii labaad oo wasiirka arimaha dibadda ee turkigi dhexdhexaadinayay waxa uu ka dhacay Ankara, qaybta la baad ee shirkii  Ankara oo loo ballansanaa bisha September ayaa la soo hormariyay iyada wasiirka arimaha dibadda ee turkiga hakaan fiidan uu sheegay in ay dhawdahay in la heshiiyo iyada oo lagu dhexdhexaadiyay in itoobiya marina badda loo ogolaanayo soomaalia madaxbanaanideeda la tjxgelinayo oo heshiiska iyada lala gelayo.




Gebgebo:

Itoobiya ayaa doonaysa in ay wada qanciso sadexda daraf ee soomaalida ah heshiiskuna u hirgalo waa (dawladda fadaraalka,Soomaaliland iyo bulshada gobolka awdal).

0 Comments