Dr shiine oo gaashaanka u daruuray .agacaabistii firdhiye.



Hoggaamiye ku xigeenka ssc-khaatumo Dr maxamed cabdi ismaaciil (shiine) ayaa ka soo horjeestay magacaabista firdhiye sameeyay ee maamulka gobolka cayn.

Dr shiine oo bayaanka soo saaray magaalada buuhoodle ayaa yidhi " anigoo ah hoggaamiye ku xigeenka ssc-khaatumo maxamed cabdi ismaaciil shiine waxaan halkan ka caydaynayaa magacaabista uu sameeyay hoggaamiyaha ssc-khaatumo ee gobolka cayn in uu igala samayn waxlatashi ah isla markaana ayna ka turjumayn baahida gobolka cayn iyo ssc-khaatumo  sidaa darteed magacaabistaasi waa mid aan sharciyad ku fadhiyin oo aan waafaqsanayn xeerarka iyo habraacya maamulka.

Waxaan si qoto dheer uga xumahay iyada oa shacabk ssc-khaatumo ku jiro marxalad adag oo uu u baahan yahay wada tashi iyo isku duubi uu hoggaamiyuhu ku dhaqaadho talaabooyin kelitalisnimo oo aan la jaan qaadi karin danaha guud ee shacabka iyo maamulka ssc-khaatumo, waxaan ugu baaqayaa hoggaamiyaha in uu dib ugu soo laabto dariiqa saxda ah ee maamul wanaaga talawadaaga,si loo xaqiijyo horumar iyo nabad waarta oo ku salaysan wadajir iyo isfaham.


Halkan ka akhriso bayaanka.






0 Comments