Ra'iisal wasaaraha soomaaliya xamse cabdi barre oo madasha minbar su'aalo bulshadu ku waydiisay su'aalihii ra'iisal wasaaraha la waydiiyay waxaa ka mid ahayd su'aal laga waydiiya Soomaaliland, ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan isbedelka dhaca Soomaaliland iyo hoggaanka oo isbedela.
Xisbiga mucaaradka ah ee waddani uu u fahmay in isga loo jeedo ayaa markii ba ka jawaabay hadalkii ra'iiska,
Gudoomiyaha xisbiga waddani xirsi cali x xasan ayaa yidhi.
"Mucaarad iyo muxaafad qaddiyada qaran Soomaaliland waa aanu ka midaysanahay. Soomaaliland iyo dadkeeduna waa ul iyo diirkeed, siyaadadda waddanina waa qaranka Soomaaliland waa mid ee laba maaha"
Waxaa isna ka soo hadlay qaddiyadan wasiirka xidhiidhka golayaasha ah afhayeenka xisbiga talada haya ee Soomaaliland cabdinaasir buuni,
Buuni ayaa xisbiga waddani ku eedeeyay in aanay qaddiyada Soomaaliland dhab ka ahayn isaga oo sheegay hadalkii ra'iisal wasaaraha soomaaliya xamse cabdi barre ula jeeday musharaxa xisbiga wadani cirro,
Buuni ayaa dhica kale soo hadal qaaday jawaabtii uu bixiyay guddoomiyaha waddani xirsi isga oo sheegay in cidda sharaxan tahay cirro ee aanay xirsi ahayan iyo in cidda soomaalia wax isku og yihiin ee Ra'iisal wasaaraha soomaalia la hadlayaa tahay cirro.
0 Comments