Dilka madaxii siyaasada ee Xamaas Ismail Haniyeh ee Tehraan waxa uu bariga dhexe ka dhigay khilaafka gobolka Fayl furan.

 



faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ugu baaqay Iran iyo xulafadeeda inay ka fogaadaan weerarrada la filayo inay Israa'iil ku
qaadaan si ay uga aargoostaan ​​dilalkii ugu dambeeyay ee lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah.

Hogaamiyayaasha saddexda waddan ee Yurub ayaa soo saaray bayaan wadajir ah Isniintii iyagoo ku baaqaya "dejinta iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe"

isku dhacyada dhinacyadu wuu batay ka dib dilalkii labada qof ee Iran taabacsan bishii hore.

In kasta oo ay sii kordhayaan baaqyada deg-degga ah ee xakameyntylu,
labada dhinac ba waxay sii wadaan soo saarista hanjabaadaha iyadoo duqeymaha Israa'iil ee Qaza uu sii socdo.
Dhanka kale, is wajihid heer hoose ah ayaa ka socda xadka Isra'iil iyo Lubnaan.


"Waxaan ugu baaqaynaa Iran iyo xulafadeeda inay ka fogaadaan weerarrada sii kordhinaya xiisadaha gobolka, khatarna gelinaya fursadda lagu heshiinayo xabbad-joojin iyo sii-deynta la haystayaasha," ayaa lagu yidhi bayaanka, oo si wada jira uga soo baxay  Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.  iyo Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer.

Saddexda dhinac waxa ay sidoo kale taageereen nabadayntii ugu dambaysay ee ay wadeen Maraykanka, Qatar iyo Masar si ay u dhexdhexaadiyaan heshiis lagu xalinayo colaadda 10-ka bilood jirsatay ee u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas.


"Dagaalka waa in hadda la soo afjaraa, dhammaan la haystayaasha weli u xiran Xamaas waa in la sii daayaa," ayaa lagu yiri bayaanka.

Iran ayaa la filayaa inay fuliso amarkii  kasoo baxay hogaamiyaha ugu sareeya Ali Khamenei ee ahaa  in “si adag loo ciqaabo” Isra'iil, taasoo ay ku eedaysay dilkii hogaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay Tehran.
Iyo dilkii taliyihii Israa'iil ay sheegtay inay  ku dishay gudaha  bayruut
Fu'aad Shukr 



Iiran iyo xisbullaah waxay ku adkaysanayaan in aanay doonayn dagaal balaadhan oo gobolka ah  balse ay diyaar u yihiin haddii uu qarxo.

Taliska ciidamada Israel ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay ka feejigan yihiin isku dhac dhinacyo badan ah, maadaama ay sii wadaan dagaalka Gaza iyo dagaalka ka dhanka ah Xamaas.  Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqda kuwo doonaya inay sii wadaan hadalada xanafta leh waxayna ku riixayaan inay kordhiyaan tallaabo milatari.

Xisbillaah ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen Israa’iil Axaddii ay ku dileen laba ka mid ah dagaalyahannadooda.

  Dhanka kale Kooxda Lubnaan ayaa lagu soo waramayaa inay 30 gantaal ku garaacday waqooyiga Israa'iill Isniintii.

Mareykanka ayaa Axadii sidoo kale amar ku bixiyay in  maraakiibta diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln in ay si deg deg ah u tagaan bariga dhexe iyo  aaggaa, iyada oo ay jirto walaac sii kordhaya oo ku saabsan iskahorimaadyada sii kordhaya ee gobolka. 

Hadalka madaxda sadex dal ee reer Yurub ayaa daba socday fariin la mid ah tii  Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi iyo Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani markii ay ansixiyeen hanaan saddex weji ah oo lagu dalbanayo in Israa'iil ay ka baxdo Gaza, soo celinta maxaabiista la haysto.  U soo celinta maxaabiista lagu haysto Gaza ee qoysaskooda iyo  badbaadadin iyo waxtarka leh ee gargaarka bini'aadantinimo.

Warbixinta waxa qortay aljazeera qaybta English   

0 Comments